Wararka aan ka heleyno degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir ayaa ku soo warramaya in xalay degmadaasi ay Madaafiic isku weedaarsadeen Ciidamada dowladda iyo dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.
Madaafiicda ayaa la sheegay in ay ku dhacayeen Xaafadaha degmadaasi kuwaas oo aan illaa iyo iminka la ogeyn xaddiga uu la egyahay khasaaraha ay geysteen.
Dhanka kale Ma jiro wax war ah oo ku aadan Madaafiicdaan oo ka soo baxay Maamulka degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.
Dhawaan ayey ahayd markii Madaafiic dhimasho iyo dhaawac geysatay Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab ay isku weedaarsadeen degmada Dharkeynleey kuwaas oo qaarkood ay ku dhaceen xaafado rayid ay degen yihiin iyo Malcamado lagu barto qur’aanka Kariimka.




