Dowladda Kenya oo Malaayiin dollar u qorsheysay la dagaalanka Argigixisada

0
515

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in aduun lacageed oo garaya sh28 Million ay u yaboohday la dagaalanka kooxaha Argagaxisadda iyo ka hortaga weeraradda argagaxiso ee ka dhacaya dalkeeda.

Masuuliyiin dowladda Kenya ka tirsan ayaa sheegay in lacagtan Malaayiinka dollar ah ay ku howlgali donaan Boliiska ka hortaga Argigixisada si looga gaashaanto Weeraro la mid kii Westgate Mall oo mar kale ka dhaca dalka Kenya .

Lacagtan Malaayiinka dollar ee Kenya ay u yaboohday ka hortgaga weeraradda dalkeeda ka dhaca ayaa kusoo beegmeysa xilli dowlada Maraykanka iyo Ingiriiska ay ka digeen Weeraro argigixiso oo lala bartilmaameedsado Hoteelada Clup-yadda iyo goobaha ganacsi ee ku yaala dalka Kenya, iyagoo muwadiniintooda uga digay in ay u safraan Magaalooyinka Nairobi iyo Mombassa oo xudun u noqday Weerarada ka dhaca dalka Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxa uu marti qaaday Weeraro kala duwan oo tan iyo markii Ciidamadiisa dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Xarakada Al Shabaab oo Kenya ay ku eedaysay in ay masuul ka ahayeen afduubyo shaqaalo ajnabi ah iyo dalxiisayaal loogu gaystay dalka Kenya walow Al-Shaabab ay beenisay

Kooxda AL-Shabaab ayaa ahayd kooxdii fulisay weerarkii lagu qaaday Suuqa ganacsi ee Westgate mall ee Magaalada Nairobi bishii September 21 sanadii tagtay ee 2013.kenya-police-150x150