MAAMULKA HOSINGOW OO EEDEEYAY SARKAALKA CIIDAMADA AMISOM UGU SAREEYA EE KU SUGAN DEGMADAASI

0
542

Gudoomiyaha degmada Hosingow C/Xakiin Maxamed Maxamuud, ayaa ku eedeeyay sarkaalka ugu sareeya ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaankaasi inuu carqalad siyaasadeed ka buuray deegaankaasi.
Gudoomiyaha oo la hadlay Radio Risaala ayaa sheegay in sarkaalka ugu sareeya ciidamada Kenyaee ku sugan deegaankaasi uu sameeyay qorshe uu maamul kale ugu sameynayo Hosingow, taasi oo dhalisay in labo maamul deegaanka uu yeesho.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay ku jahwareersan yihiin maamulada kala duwan ee laga dhisan deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale wuxuu ku baaqay in taliska ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ay wax ka qabtaan arintaasi oo uu sheegay inay horseedi karto xaalado dhanka amaanka ah oo ka dhaca deegaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ee gobolada Jubbooyinka taasi oo ku aadan inay carqalad dhanka siyaasada ay ka abuureen degaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose.20416