Siyaasi Cabdi Xaashi Cabdi Salaan, oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay jiraan dhibaatooyin kusii kordhaya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xeran xabsiyada ku yaala dalalka deriska la ah Soomaaliya.
Siyaasiga ayaa sheegay in safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalalka qaar ay yihiin kuwo aan waxqabad fiican u sameynin dhalinyarada Soomaaliyeed eek u xeran xabsiyada dalalkaasi.
Wuxuu amaan usoo jeediyay safaaradaha dowlada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenyaiyo Koofurta Sudanoo ka shaqeeyay markii dalalkaasi dhibaatooyin ay ka dhaceen sidii dadka Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa dalkooda.
Siyaasi Cabdi Xaashi,ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay ku mashquulaan wax u qabashada dadkaasi Soomaaliyeed, isagoo tusaalo usoo qaatay wariye Boqorka Bartamaha oo ku xeran xabsi ku yaala dalka Kenya.
Siyaasiga ayaa sheegay in iminka aan la joogin xiligii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku mashquuli lahaayeen xaalada siyaasada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.




