Human Right Watch oo Kenya ku eedeysay xadgudubyo ka dhan ah Soomaalida

0
234

Human Rights watch ayaa ku eedaysay Ciidamada Kenya in ay geesteen xadgudubyo ay ka mid yihiin Xarumo ganacsi hanta isugu jirto dhicid Mobile iyo lacag intaba.

Agaasimaha Africa u qaabilsan Hay’adda u dooda Xuquul aadanaha ee Human Rights watch Daniel Bekele ayaa sheegay in Ciidamada Boliiska Kenya ay xadgudubyo u gaysteen Kumaan qof oo isugu jira dad Shacab ah Wariyaal , iyo shaqaalo caalamai ah ayna xabisga dhigeen sida uu sharciga qabana aan 24 saac gudahood Maxkamad lagu soo taagin.

Daniel Bekele ayaa sheegay in looga baahanyahay dowlada Kenya in ay joojiso xadgudubyadda ay Ciidamadeeda Boliiska gaystaan, isagoo sheegay in talaabooyinka ay Ciidamada amaanka Kenya qaadayaan ay si toos ah lidi ugu tahay Xuquqda aas aasiga ah, isagoo xusay in dhibaataynta dadka Shacabka ah aan lagu sugi karin amaanka.

Agaasimaha Africa u qaabilsan Hay’adda u dooda Xuquul aadanaha ee Human Rights watch Daniel Bekele ayaa sheegy in dadka Soomaalid ah ee Kenya ay isugu gaysay garoonka Kasarani iyo Joma Kenyatta loo diiday in ay cadeyaan aqoonsiyadooda sida in ay ku jogaan dalka Kenya qaxootinimo sida warbixinta Human Rights watch lagu yiri.

Dowlada Kenya yaa bilowday bishii April 1 howlgal ay ugu magac dartay USLAMA WATCH kaas oo lagu qabqabtay Kumaan qof oo Soomaali ah oo qaar ka mid ah dalka dib loogu soo masaafuriyay halka qaar ka mid ahna dib loogu celiyay xeryaha qaxootiga dalka Kenya.

Hadalka Human Rights watch hay’adda u dooda xuquul adanaha ayaa imaanaya xilli markii labaad ay Ciidamada Kenya dabaq ka soo tureen haweenay Soomaaliyeed.download12-150x150