Dowladda Jarmalka: wali wey jiraan Qataraha Burcad Badeeda Soomaalida

0
75

Taliayaha Ciidamada Badda Jarmalka ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Yurub ay ka wadaan Biyaha Soomaaliya Admiral Jürgen zur Mühlen ayaa sheegay in laga guulaystay Buracad badeeda Soomaalida lakiin waxa uu sheegay in wali ay taagantahay qatartoodii.

Admiral Jürgen zur Mühlen ayaa xusay in sanadii 2008 ay dhaceen weeraro guulaystay oo Buracad badeeda Soomaalida ah ay qadeen lakiin dhawanihii danbaba uu gaabis ku yimidn Weerarada Burcad badeeda Soomaalida ah ay ku qafaashan jireen Maraakiibta sida Shixnahadaha kala duwan ee isticmaasha Biyaha Soomaaliya.

Mühlen ayaa tusaale u soo qaatay in sanadii 2010 ay Buracad badeeda Soomaalid ah ay gacanta ku dhigeen 47 Markab halka sanadii 2011 ay gacanta ku dhigeen 25 Markab lakiin sanadii tagaty ee 2013 aysan jirin wax markab ah oo Buracad badeeda Soomaalid ay afdubteen wallow weeraro ay qadeen ay jiraan.

Warbxino dhawanihii danbe ay soo sarayeen Midowga Yurub ayaa lagu sheegayay in Weerarada Buracad badeeda Soomaalida ay qaadi jireen ay hoos dhaceen arinatasna loo sababeyay Marakiiba shisheeye ee Biyaha Soomaaliya ka wada howlgal loogu magac daray la dagaalanka Buracad badeeda Sooamalida ah ee qowlaysan jiray Biyaha Soomaalidownload-17-150x150