Dad ku suuxay Garoonka Stadium Koonis ee Muqdishi+ VIDEO

0
275

Tiro dad ah, ayaa maanta ku suuxay Garoonka kubadda cagta ee Koonis (Stadium Conis), intii uu ka soconaayay banaanbixii maanta ka qabsoomay Degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Dad ka ag-dhowaa dadka suuxay oo la hadlay Idaacadaha Magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa waxay tani ku macneeyay mid ka dhalatay, qoraxda oo aad u kululeyd awadeed.

Suxufiyiintii tagtey Garoonka kubadda cagta ee Koonis, ayaa iyana sheegay in dadku ay muddo saacado ah ku xanibnaayeen Garoonkaasi, markii loo sheegay in uu imaan doono Madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aanu halkaasi tegin, si deg deg ahna ugu amba baxay dalka Uganda.

Dadkii suuxay, ayaa lagu qaaday gaadiidka gurmadka deg-degga ee Ambulance, iyadoo loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa maanta lagu qabtay Stadium Conis, ayaa ahaa mid lagu taageeraayay Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo waxqabadka Dowladdiisa.

Shalay galab ilaa xalay waxaa qaar ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho ka soconaayay, qaban qaabada banaanbaxa lagu taageeraayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale Garoonka Stadium Conis waxaa maanta isku dhex dagaalay dhalinyaro, lagu kala sheegay taageera-yaasha Degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid, iyadoo rasaas lagu kala celinaayay ay ku dhaawacantay haweeney ka mid ahayd, dadkii isugu soo baxay Garoonkaasi.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir oo ku aadan, labada garab ee maanta isku fara saartay Garoonka Koonisdownload-23