Dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa waxuu ku socdaa Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Dagaalkan ka socda Magaalada Muqdisho ayaa waxuu ka dambeeyay Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab ay Weerar Culus ku qaadeen Fariisin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Degmada Yaaqshiiid ee Gobolka Banaadir.
Goobjooge la hadlay Caawa Garoowenews Online ayaa sheegay Dagaalkan uu ka socado Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid waxuuna xusay in Al Shabaab ay Madaafiic ku garaaceen Ciidamada Dowladda ee Degmadaasi.
Waxaa ilaa iyo hada aan la cayimi Karin khasaaraha kala duwan ee soo gaaray Ciidamada DFS iyo Ururka al Shabaab kuwaasi oo ku Dagaalamay gudaha Degmadaasi ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa waxuu qeyb ka yahay amni xumida maalmahan ku soo kordhay Magalaada Muqdisho Iyadoona xusid mudan in Al Shabaab ay Shalay Dagaal kula wareegeen Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho.




