Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan gaar ahaan deegaan duleedka ka ah Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi ayaa sheegaya in Dableey hubaysan ay isku dayeen inay dhacaan gaari ay leedahay Hay’adda Save The Children oo maraye deegaan duleedka ka ah Beladweyne.
Dableyda ayaa rasaas ku furay gaadiidka oo maraye deegaanka Faafgumare oo 7-km ujira Magaalada Beladweyne waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay dad gaaraya ilaa 3-ruux.
Dableyda ayaa rasaasta furtay kaddib markii ay dadka deegaanka isku dayeen inay hor istaagaan iyagoo dhagaxyo ku tuuraya raga hubaysan ee doonaye inay gaadiidka dhacaan.
Gaadiidka iyo dadkii dhaawaca uu gaaray waxaa la gaarsiiyay magaalada Beledweyne, iyadoo dadka dhaawaca ah xaaladooda caafimaad isbitaalka Magaalada Beladweyne lagu dabiibayo.
Maamulka Magaalada Beladweyne iyo saraakiisha ammaanka weli kama aysan hadlin falkaan maanta barqadii ka dhacay deegaanka Beladweyne hoostaga.





