Xildhibaan kale oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsanaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
185

Sida wararku nagu soo gaarayaan waxaa maanta Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya dil loogu geystay Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu Magacaabi Jiray Cabdi Casiis Isaaq Mursal waxaana dilkiisa ka dambeeyay Kooxo Hubeysan kuwaas oo ugu geystay dilka Xaafadda Dabakaayo Madow ee Degmadaasi Dharkeynleey.

Dilka Xildhibaan oo la sheegay in ay ka dambeyeen Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa waxaa Shabelle u xaqiijiyay Axmed Caato oo ah Xoghayaha Maamulka Degmada Dharkeynleey.

Shalay ayey ahayd markii weerar qarax lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mid kalana lagu dhaawacay