M/weynaha Kenya oo ka hadlay Dilka Xildhibaan Baarlamaanka ka tirsan

0
503

Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa si kulul u canbaareeyay weerarkii shalay lagu qaarajiyay Xildhibaan Isaaq Maxamad Rino oo baarlamaanka dowlada Federaaka Sooamaliya ka tirsanaa.

“Anigoo ku hadlaya magaceyga wakiilna ka ah Shacabka Kenya waxaan uga tacsiyaynayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Umadda Soomaaliyeeed Dilka Xildhibaan isaaq, ayuu Yiri Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta .

Kenyatta ayaa sheegay in dowladiisu ay ka go’antahay la shaqeynta Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud iyo la Dagaalnka Kooxaha Argagixisada ee qatarta ku ah amniga guud ee Dalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa 48 Saac gudahooda waxaa siyaabo kala duwan loogu Dilay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Canbaareynta Dowlada Kenya ayaa waxaa ay ku soo aadeysa iyadoo Shalay Xildhibaan Isaaq uu ku dhintay Magaalada Muqdisho kadib markii Qarax loogu xiray Gaarigiisa.