
Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud, ayaa sheegaya in saaka halkaasi ay diyaarad shil ku gashay, Diyaaradaasi oo la sheegay inay waday Qaad oo ay ka timid dalka Kenya.
Diyaaradaan ayaa shil ku gashay Garoonka gudihiisa, Kadib markii ay ka baxday inyar xayndaabka Run-waykga Garoonka, sidaasina uu ku yimid shilka soo gaaray Diyaarada.
Guddoomiyaha Degmada Guriceel Cismaan Ciise Taardhuleed, ayaa sheegay in shilka diyaarada uu yimid markii wadaha Diyaarada uu ka baxay Run-wayka uuna ku dejiyay Diyaarada meel ka baxsan halkii loogu talo galay sidaasina uu ku yimid khasaaraha diyaarada soo gaaray.
Wuxuu sheegay Taardhuleed in khasaaro bur-bur yar ah uu soo gaaray diyaarada, iminkana ay taalo Garoonka Guriceel meel ujirta 300-KM sida uu yiri.
Wax khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed oo ka dhashay Shilka Diyaaradeed majiro, marka laga reebo in Diyaarada ay wax soo gaareen, waxaana si nabad ah ku bad-baaday Baylootkii Diyaarada iyadoo sidoo kale la bad-baadiyay Qaadkii saarnaa Diyaarada.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Degmada Guriceel ayaa xusay inaysan suuragal aheyn in isla maanta ay diyaaradaan ka Duusho Garoonka, maadaama ay u baahan yahay Xoogaa farsamo ah.
Waa shilkii labaad oo Garoonka Degmada Guriceel ka dhaca inta lawada xasuusto, waxaana taasi ugu wacan Garoomada ku yaala Gobalada dalka oo intooda badan aan helin dayactir wanaagsan.




