Illaa 18 Nin oo Muwaadiniin Soomaaliyeed oo loo heysto dambiyo Burcadbadeednimo kuna xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Mombai ee dalka India ayaa laga deyrinayaa Xaaladooda Nololeed.
Qaar ka mid ah Maxaabiistaan oo la soo Xiriiray Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in iyadoo aan wax sharci ah la soo taagin ay isaga jiraan Xabsi ku yaalla Magaalada Mombai.
“ qaarkeen waanu ku xanuunsanahay Xabsiga gudihiisa , mana jirto cid na daryeesho ee ogaata xaaladeena nololeeda” sidaasi waxaa yiri Mid ka mid Maxaabiistaasi.
Soomaali fara badan oo loo heysto dambiyo kala duwan ayaa ku jira Xabsiyo ku yaalla Caalamka dacalladiisa kuwaas oo qaar ka mid ahi ay ku eedeysan yihiin dambiyo Burcadbadeednimo.




