Mareykanka oo ka digay in ay sii socdaan dhibaatada Soomaalida loogu geysanayo dalka Kenya

0
480

Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay In ay sii socdaan dhibaatada Soomaalida loogu geysanayo dalka Kenya.

Washington waxa ay sheegtay in dowladda Kenya ay ka taageereyso la dagaalanka Argigixisada laakiin ay Nasiib darro u aragto beegsiga Soomaalida aan waxba galabsan ee ka soo cararay dagaalada dalkooda ka jira.

Dhinaca kale Raila Odinga Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay falalka dhibaato ee Booliiska Kenya ay u geysanayaan Soomaalida Kenya degan.

‘ waxani waa Xasuuq , waxeyna iila muuqataa in shaqsiga Soomaaliga ah in aan loo bartilmaamsan dambi uusan isaga geysan” sidaasi waxaa yiri Raila Odinga Ra’iisul Wasaarihii hore ee waddanka Kenya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhibaatooyin aan xad lahayn dalka Kenya loogu geysanayay Soomaalida dalkaasi degan kadib Howl gallo kuwii ugu xooganaa oo Ciidamada Kenya ay halkaasi ka billaabeen.Police-on-the-attack-450x250-150x150