Hay’adda Qaxootiga aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa walaac xoogan ka muujisay Masaafurinta Soomalida ku nool dalka Kenya.
UNHCR ayaa sheegtay in howl galladda Ciidamada Boliiksa Kenya ay ka wadaan Xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii lagu soo qab qabtay in ka badan 1,000 qof ,iyadoo ka digtay xad gudubyo loo geysto dadlkaasi howl gallada Nairobi ka socda ay Ciidamada Boliiska Kenya ku soo qab qabteen.
“ waa aynu garowsanahay in ay jiraan khataro ammaanka la xariira oo Kenya ay wajahayso, lakiin ma aha in qof horay uga soo cararay dagaalka ka socda Koofurta iyo Bartamaha Sooomaaliya oo magangalyo u yimid Kenya in dib loogu celiyo iyadoo wali ay qatarti taagantahay halki uu ka soo cararay oo ahayd Soomaaliya,” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay UNHCR.
UNHCR ayaa warbxinteeda ku sheegtay in ay booqatay garoonka Kasarani oo lagu hayo Boqolaal Soomaali ah ayna awood u yeelatay in ay hubiso siideynta dad haystay Kararka qaxootinimada , lakiin waxa ay sheegtay in xaaladda garoonka ay tahay mid aan wanaagsaneyn oo buux dhaafay.
UNHCR hay’adda qaxootiga aduunka ayaa ugu dambayn ka dalbatay dowladda Kenya in ay ka fogaato dhibaateynta Soomaalida magangalyo doonka ah iyo masaafurinta dadka sharciga Kenya haysta iyo kuwa haysta sidoo kale karaarka qoxootinimada ee Hay’addu ay siisay.




