Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Xamar JaJab

0
464

Wareeegto ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa waxaa xil ka qaadi loogu sameeyay Guddoomiyihii Degmada X/JaJab Max’ed Axmed Cali halka guddoomiye kale loo Magacaabay degmadaasi.

Xil ka qaadista Guddoomiyaha Degmada Xamar JaJab ayaa qeyb ka ah isbedello indhawaanahaan uu Maamulka Gobolka Banaadir uu ku sameynayay Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa horay Maamulku uu isbedello xagga Maamulka uu ku sameeyay degmooyin ay ka mid yihin Boondheere, Kaaraan , Cabdi Casiis, Heliwaa, Dharkeynleey Dayniile iyo Waaberi.