Dowladda Uganda Oo Sheegtay In Ay Ka Cabsi Qabto Weeraro Kaga Yimaad Al Shabaab.

0
526

uganda
Wakaalada wararka AFP oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan dowladda Ugandha ayaa sheegtay in haatan halis dhanka ammaanka ah ay ka jirto gudaha wadankaasi.

Kale Kayihura, oo ah taliyaha booliska Uganda ayaa sheegay in haatan wadanka ay ka jirto xalaad heegan ah, taasi oo lala xariirinayo weeraro la filan karo in ay ka dhacaan meelaha ugu muhiimsan dalka gaar ahaan magaalada caasimadda ah.

“laamaha sirdoonka iyo booliska guud ahaan heegan buuxa ayay ku jiraan ,Ilaa haddana wadanka Uganda wuxuu halis ugu jiraa weeraro kaga yimaada xarakada al shabaab”ayuu yiri sarkaalka hadlayay.

Afhayeen u hadlay dowlada oo lagu magacaabo Ofwono Opondo ayaa tilmaamay in weerarkii ka dhacay xaruntii ganacsi ee magaalada Nairobi raggii gaystay ay ka yimadeen dhanka dalka Uganda .

Waxaa uu intaa ku daray in taasi ay dhabaha u furi karto in markasta ay weeraro ay ka dhacaan gudaha ugandha marka loo eego wararka ay helayaan.

Wixii ka danbeeyay weerarkii muajahdiinta Soomaaliya ka fuliyeen xarunta ganacsiga ee Westegate waxaa soo baxayay digniino kala duwan oo ka imaanayay madaxda dalalka bariga Afrika kuwaasi ku qotoma weeraro lamataana ah kuwii Westgate Mall.

Uganda oo ka mid h dowlada Afrikaanta ee duulaanka kusoo qaaday Somalia ayaa sanadkii 2010 waxaa ay dhankeeda marti gelisay mid ka mid ah weeraradii ugu xanuunka badnaa iyadoona 76 qof ay ku dhinteen halka tira intaasi ka badana ku dhaawacmeen.