
Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay feejignaan ku aadan ammaanka masuuliyiinta ku jira Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli labadii maalin ee aan soo dhaafnay lagu dilay magaalada Muqdisho labo mudane oo ka tirsanaa Baarlamaanka.
Wasaarada amniga Dowladda, ayaa soo saartay digniintaan ku aadan dhanka ammaanka, maadaama Al-Shabaab ay Muqdisho ka geysanayaan falal dilal qorsheysan oo ay la beegsanayaan raga Dowladda kujira.
Wasiir kuxigeenka Wasaarada amniga Dowladda Soomaaliya Ibraahin Isaaq Yaroow oo Warbaahinta kula hadlaye Muqdisho, ayaa kula dar-daarmay masuuliyiinta Dowladda kujira inay muujiyaan feejignaan dhanka ammaanka ah.
Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay bartilmaameedsanayaan dadka Dowladda kujira, sidaasi awgeedna loo baahan yahay aragti dheeri ah oo dhanka ammaanka ku saleysan iyo goobaha ay degan yihiin masuuliyiinta Dowladda kujira inay iska ilaaliyaan.
Ibraahin Isaaq Yaroow, ayaa ku eedeyay Shabaab inaysan dooneyn horumarka Shacabka Soomaaliyeed, maadaama buu yiri ay laynayaan dadka shacabka waxgalka u ah oo hormuudka Dadweynaha ah.
Afhayeenka guud ee Al Shabaab, oo ka hadlay dilalka Xildhibaanada ayaa ku goodiyay inay cagta marin doonaan gebi ahaanba Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo laga duulaayo sida uu yiri, sidii meesha looga saari lahaa waxa uu ugu yeeray asnaamta la caabudo.
Cali Dheere, ayaa dagaal-yahanada Shabaabku ku booriyay in ay kordhiyeen beegsigooda ka dhanka ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, oo uu fadhigoodu yahay Xarunta Somaliya ee Muqdisho.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com




