
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaan hoostaga Degmada Buulo Burde ee Gobalka Hiiraan, halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamada Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay la wareegitaanka deegaanka Ceyn oo 36-KM ujirta Degmada Buulo Burde ee Gobalkaasi kuna taala waqooyio Bari ee Buulo Burde.
Sarkaal lagu magacaabo Xuseen Hooroow oo la hadlay Idaacada Barkulan, ayaa sheegay in ciidamada dagaal ay kula wareegeen deegaankaasi, Shabaabkii ku sugnaa goobtana ay ka carareen sida uu yiri.
Xuseen Hooroow, ayaa qeexay in labo kamid ah dagaalamayaasha Shabaab ay ku dileen intii uu dagaalka socday, inkastoo aanu sheegin khasaaro intaasi ka badan iyo dhankooda waxa soo gaaray.
Deegaanka Ceyn oo 36-KM ujirta Degmada Buulo burde ayuu ku sheegay inay aheyd xaruntii Al-Shabaab ay kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan ee ay kusoo qaadaan Magaalada Buulo Burde.
Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaq-dhaqaaq ciidan ka wada Gobalka Hiiraan, kaasi oo ujeedkiisa uu yahay sidii ciidamada ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Degmada Jalalaqsi oo ah Degmada Kaliya ay Shabaab ka joogaan Gobalka Hiiraan.
Al-Shabaab weli kama aysan hadlin deegaankaan maanta ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay la wareegeen.
Nagala Soo




