Askari ka tirsan Koofur Kuuriya Ciidamadeeda la dagalanka Buracad badeeda Soomaalida oo la la’yahay

0
446

Mid ka mid ah askarta Ciidamada Koonfur Kuuriya ee qaybta ka ah la dagaalanka Burcad badeeda Soomalida ah ayaa la wayay maalintii taladada ahayd sida Sarakiil ka tirsan Ciidamada badda Koonfurta Kuuriya ay warbaahinta u xaqiijiyeen.

Askariga oo ah 22 sano jir ayaa naanaystiisa waxaa lagu sheegay Haa, isagoo la socday ama wehlinayay 3 Markab oo ku sii jeeday Dekada Magaalada Mukallah ee dalka Yaman.

Diyaarado Helicoper ah iyo Marakiib ayaa la sheegay in ay ka qayb qadanayaan baadi goobka lagu hayo Askarigaasi Ciidamada Koonfur Kuuriya ka tirsan ee la wayay meel uu jaan iyo cirib dhigay maalintii talaadada.

Afhayeen u hadlay askarta Koonfur Kuuriya oo lagu magacaabo Eom Hyo-sik ayaa xaqiijiyay lumida askarigaasi ciidamadooda ka tirsan .

Dowlada Koonfurta Kuuriya ayaa ku soo biirtay howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ah horantii sanadii 2009, si ay uga qayb qataan howlgalka dowladaha Midowga Yurub ay kula dagaalamayaan Burcada badeeda Soomaalida ah ee afduubyadda u gaysata Maraakiibta sida shixnadaha kala duwan ee isticmaasha Biyaha Soomaaliya.
download-25-150x150