Wararka laga helayo Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay Ciidamo ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku Dileen Nawaaxiga Degaanka Lambar 50 ee Gobolka Sh.Hoose.
Ku dhawaad 4 Askari oo watay Gaari Hoomey ah oo ka ambabaxay Degaanka Lambar 50 islamarkaana ku sii jeeday Degaanka Dhanaane ee Gobolka Sh.Hoose ayaa Kooxo lagu tuhmay Al Shabaab waxaa ay ku Dileen Nawaaxiga Degaanka Lambar 50 .
Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dabley hubeysan ay jidka u galeen Ciidamo ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya waxuuna intaasi ku daray in Kooxaha Weerarka geystay ay goobta isaga baxsadeen.
Xiriiro kala duwan aanu la sameenay maamulka Gobolka Sh.Hoose ayaa inoo suuro gelin in aan qadka Taleefonka ku haleelno hase ahaatee Dilka Askartan ayaa waxaa lagu eedeeyay Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Majiro hadalo madaxbanaan oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Gobolka Sh.Hoose oo ku aadan Dilka Ciidamadan ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya iyo cid sheegatay Mas’uuliyada Dilkooda.




