21ka April 2014 – U Qeybsanaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Ergada Midowga Afrka ee Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif wuxuu aad u canbaareynayaa dilka Mudane Isaak Mohamed Rino oo xubin ka ahaa Baarlamaanka Soomaaliyeed, dilkaasoo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Isaak Mohamed ‘Rino’ waxaa lagu dilay weerar qarax loo adeegsaday gaari markuu galay gaarigiisa dibada Bangiga Salaam degmada Xamar Weyne dhexdeeda.
Xubinkan Baarkamaanka waxaa kale oo la socday nin kale oo isagana xubin ka ah Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mohamed Ali si xuna loogu dhaawacay weerarkaas is qarxinta gaariga.
“Xubnaha Baarlamaanku waxay matalaan Shacabka Soomaaliyeed weerarkasta oo lala beegsadana waa weerar loo geystay shacabka, wax la aqbali karana ma aha. AMISOM waxay sii wadi doontaa taageeradeeda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed dadaalkeeda ku aadan la dagaalanka xag jireyaasha kuwaasoo dan ay ugu jirto inay laayaan dadka rayidka ah”
AMISOM, tacsi kal iyo laab ah waxay u direysaa qoyskii uu ka baxay, saaxiibadiisii iyo dowlada Federaalka Soomaaliya bixitaankaas Isaak Mohamed Rino oo khasaaro ah, waxayna u rajeyneysaa caafimaad deg deg ah kii dhaawacmay Mohamed Ali.




