Al-Shabaab Oo Sheegy Inay Ku Dileen Dagaalkii Cuslaa Ee Buulo Burde Taliye Kuxigeenka Ciidanka Jabuuti Ee Hiiraan

0
515

muscab
Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab Afhayeenka dhanka howlgalada Ururka Al-Shabaab oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay Bariga Degmada Buulo burde uu ahaa dagaal culus oo ay ku qaadeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Abuu Muscab ayaa ku sheegay dagaalkaasi inay ku dileen saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti oo uu ka xusay nin uu ku sheegay Magaciisa Col. Guuleed darajadiisana uu ku sheegay kuxigeenka Taliyaha ciidamada Jabuuti ee Gobalka Hiiraan.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay xaqiijiyeen geerida sarkaalkaasi ka tirsan ciidamada Jabuuti, wuxuuna ku faanay inuu ku baxay gacanta Al-Shabaab sida uu yiri.

Muddooyinkaan dambe wuxuu tilmaamay inay kordhiyeen weerarada dagaalka ah ee ay ka geysanayaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti Gobalka Hiiraan.

Majirto ilo kamadaxbanaan Al-Shabaab oo xaqiijinaya inay Shabaab dileen Sarkaal ka tirsan ciidanka Jabuuti gaar ahaan taliye kuxigeenkii ciidankaasi ee Gobalka Hiiraan.
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com