Dagaallo hor leh ayaa ka bilawdey deegaano ka tirsan gobolka sh/hose,waxaana dagaalada maanta dhacey u dhaxeeyeen beelo walaalo ah oo hore isugu dagaalayey gobolada Sh/hose iyo Sh/dhexe.
Beelaha ku dagaalamey gobolka ayaa kala ah Jareer iyo Abgaal halka ay H/gidir iyo Biyomaal ay hore gobolka ugu dagaalamayeen iyadoo la soo sheegayo khasaare dhimasho,dhaawac iyo burbur hantiyadeed ay geysteen dagaalada gobolka sh/hose.
Maahan markii ugu horeysey ee gobolkan ay ku dagaalamaan beelo iska iska soo horjeeda,waxeyse dagaaladani kusoo beegmayaan iyadoo dawlada federalka iyo ciidamada Amisom ay sheegeen in alshabaab soo afjarayaan kana qabsanayaan deegaanada ay maamulaan.




