Madaxweynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadley shirka dawladaha Afrika,isagoo sheegey in dawladiisa iyo dawladaha midawga afrika ay ka taqalusayaan Xarakada Dagaalyahanada Alshabaab meelaha ay kaga suganyihiin dalka soomaaliya.
Shirka dawladaha Afrika,ayaa beryahan ka socdey adisababa dalka Ethiopia,waxaana la filayey in m/weyne Xasan Sheekh ajendahiisu yahey in uu dawladaha Afrika ugu laab qaboojiyo in Al-shabaab meesha laga saaro,iyadoo inta badan ay dalka shabaab maamulaan.
Maahan markii ugu horeysey ee dawlada soomaaliya sheegto in ay alshabaab soo afjareyso,hase yeeshee waxey tani kusoo beegmeysaa xili ay Ethiopia hada kamid noqotey ciidamada Amisom ayna dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wado meelo kamid ah gobolada baay,bakool iyo Gedo.




