M/weynaha cusub ee puntland oo ku dhawaaqey golaha wasiirada puntland.

0
203

M/weynaha cusub ee dhawaan la doortey C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhisey kuna dhawaaqey golahiisa wasiirada ee dawladgoboleedka Puntland.

Golaha wasiirada uu ku dhawaaqey C/weli Gaas ayaa tiro ahaan gaaraya 47 isugu jira wasiiro,wasiir dawleyaal iyo wasiiro ku xigeeno,waxaana kamid ah wasiirada rag la tartamey markii m/weynaha loo tartamayey taas oo u muuqata in ay heshiis ku galeen mar hore.

Waxeyna wasiiradu ka badanyihiin kuwii hore u jiri jirey oo ay ku laban laabmayaan,waxeyna u muuqataa in uu qanciyo dad badan iyo qaybo ururo bulshada,sidaas awgeed C/weli Cali Gaas ayaa u muuqda nin ciyaaraya arrimo siyaasadeed oo baaxad weyn dad badana aysan fahmeyn.

Waa markii u horeysey ee gole xukuumad puntland ay leedahey la gaarsiiyo tirada intaas la’ eg,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo ay marti ku yihiin garoowe r/wasarihii hore Cali Max’d Geedi iyo C/raxmaan Baadiyoow.