Gaari ay leeyihiin ciidamada Amisom ee Yugandha oo si bareer ah u jiirey qof rayid ah wadada Maka almukarama.

0
186

Gaari kuwa ciidamada Amisom ah ayaa si bareer ah u jiirey qof rayid ah iyadoo gacanta ay ku dhigeen ciidanka boolisku sida ay sheegeen wadihii gaarigaas uuna xiranyahey.

Ehelada qofka dhintey ayaa ka codsatey dawlada federalka iyo kuwa amisomba in ay caddaalada mariyaan wadaha gaariga jiirey marxuumka soomaaliga ah,iyadoo ay boolisku sheegeen in ay la xiriirayaan madaxda iyo ciidamadii gaarigan la haa,lamana oga sida warkan bolisku sheegayaan uu run u yahey.

Waa markii u horeysey ee ay bolisku sheegaan in ay gacanta ku dhigeen qof lagu eedeynayo denbi oo ka tirsan ciidamada Amisom ee dalka soomaaliya ku sugan,iyadoo hore aan wax denbi ah loo raacan jirin hadii denbi kasta ay ka galaan bulshada soomaaliyeed,marka laga reebo denbiyo anshax marin laga maqlo in dalkooda lagu saaro qaar kamid ah askarta Amisom ee ka hawlgasha dalka soomaaliya.