Mamnuucidii mobile internetka oo ka hirgashey meelo badan dalka gudihiisa.

0
477

Dhaqan galka amarkii kasoo baxey xarakada dagaalyahanada Alshabaab ee la xiriirtey joojinta mobile internet ayaa saameysey meelo badan oo ay maamulaan xarakada dagaalyahanada alshabaab,iyadoo ay jirtey amar ay soo saareen oo mamnuucayey isticmaalka mobile internetka.

Magaalooyinka ay saameysey in aan laga isticmaalin mobile internet waxaa kamid ah Baraawe,Buulomareer,jilib,Saakow,Baardheere,xarardheere,Ceelbuur iyo Bu’aale,Buuloberde.iyo meelo kale.

Lama garanayo sida ay dawladu uga jawaabi doonto fulinta amarka kasoo baxey xarakada dagaalyahanada Alshabaab,waayo hore ayey dawlada federalku u sheegtey in ay u aqoonsan doonto shirkad argagixiso shirkadii qaadata amarka ay soo rogtey xarakada Alshabaab.