Ciidamada Ethiopia oo kamid noqdey kuwa Amisom isla markaana la wareegey amaanka baydhabo.

0
464

Munaasabad maanta lagu qabtey Baydhabo ayaa ciidamada Ethiopia waxa ay kala wareegeen ciidan brundi ah oo hore baydhabo u joogey,iyadoo ciidamada Ethiopia lagu darey ciidamada Amisom. Ciidamada Ethiopia ayaa noqonaya ciidamadii lixaad ee kamid noqda ciidamada Amisom,waxaana ay la egyihiin tiradooda Afar kun oo askeri,waxeyna ciidamadani keeni doonaan kacdoon iyo arimo hore uga dhaxeeyey kuwaas oo ah cadaawad gaamurtey oo labada shacab u dhaxeysa. Hore ayaa ciidamada Ethiopia dalka soomaaliya looga saarey 2006dii iyadoo lagula heshiiyey maxkamadihii islaamiga ahaa garab kamid ah oo uu hugaaminayey sheekh Shariif Sheekh Axmed,halkaas oo iyaguna ay kasoo hor jeesteen xarakada dagaalyahanada Al-shabaab oo ilaa hada kasoo horjeeda ciidamada Amisom dhamaantood,iyo ciidamada dawlada federalka soomaaliya. Waa markii ugu horeysey oo la maqlo ciidamada ethiopia oo dadka soomaaliyeed aad u necebyihiin oo ay qaramada midoobey u xalaaleysey in ay kamid noqdaan ciidamada Amisom