Wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa ka jawaabtey war ay dhawaan soo saartey xarakada dagaalyahanada alshabaab oo sheegayey in shirkadaha isgaarsiintu ay joojiyaan adeega mobile internet ayna heystaan mudo shan iyo toban cisho ah.
Wasiirkii hore ahna sii hayaha xilka wasaarada arrimaha gudaha C/kariim Xuseen Guuleed ayaa u sheegey shirkadaha isgaarsiinta in aysan u hugaansamin amarka kasoo baxey xarakada Alshabaab,waxeyna dad badani u arkaan in shacabku labo dhinac ka gubanayo waayo labo amar ayaa heysata oo aan ku heshiin karin maamulka shacabkan daaley.
Maahan markii ugu horeysey ee ay isu jawaabaan maamulka dawlada dhexe ee soomaaliya iyo xarakada dagaalyahanada alshabaab oo dagaal aad u culusi ka dhexeeyo.
Dawlada federalka iyo xarakada Alshabaab midkoodna si buuxda uma maamusho dalka oo dhan waana taas mida keeneysa in mid walba amar soo rogo ha fulo ama yuusan fuline.




