R/wasaare C/weli Shekh Axmed oo barlamaanka ka codsadey in toban cisho loogu daro mudada soo dhisida xukuumadda.

0
530

R/wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa barlamaanka weydiis tey in mudo toban cisho ah loogu daro waqtiga soo magacaabista golohiisa wasiirada isagoon sheegin sababta ku kaliftey in uu codsigan barlamaanka soo hordhigo.

Qaar kamid ah xubnaha barlamaanka ayaa r/wasaaraha ka codsadey in uu barlamaanka u cadeeyo waxa ku kalifey in uu toban cisho ku darsado sodonkii cisho ee dastuurku siinayey,xildhibaan kulalihi ayaa carabka ku dhuftey in r/wasaarahu uu caddeeyo cidda golaha wasiirada dhismahooda caqabadada ku ah isagoo ula jeedey in kooxda damuljadiid oo xukuumadii hore burburiyey ay tana faraha lasoo galeen.

R/wasaaraha oo laga sugayey in uu ku dhawaaqo xukuumadiisa ayaa markii u horeysey dalbanaya in barlamaanku u ogolaado in mudada soo dhisida xukuumada looga dhigo afartan cisho halka dastuurku qeexayo in sodon cisho uu kusoo dhisi karo xukuumadiisa,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo leysla dhexmarayo in kooxda damul jadiid ee xukuumadii hore ku jirey ay qeyb ka tahey daahitaanka xukuumada cusub ee laga sugayey r/wasaare C/weli Shekh Axmed.