Barlamaanka soomaaliya oo guda galey aqrinta hindise sharciyeedyo ay soo gudbisey xukuumadii hore ee dr Saacid.

0
187

Barlamaanka soomaaliya ayaa kalfadhigiisii 3’aad kulanka 51’aad ku guda galey aqrinta qaar kamid ah hindise sharciyeedyo ay soo gudbisey xukuumadii hore ee dr Cabdi Faarax Shirdoon.

Barlamaanka ayaa inta badan wuxuu waqtiga ku luminayaa wax yaabo la dhihi karo daruuri maahan isagoo indha ka laabanaya waxyaabo saldhig u noqon kara horumarka dalka waxaana ugu muhiimsan in la guda galo dastuurka qodobadiisa iska hor imanaya iyo xeerka axzaabta badan,oo mar ay barlamaanku soo hadalqaadeen.

Barlamaanka soomaaliya waa mid caado ka dhigtey in qabiilka ay mudnaan siiyaan iyo in ay muhimada siiyaan wixii iyaga dani ugu jirto oo kaliya,ma badna inta ay danta guud ka hadlaan ee waxaa ka badan inta ay danahooda ka hadlaan,sidaas darteed waxaan u rajeyneynaa dadka soomaaliyeed in ay mar uun helidoonaan xildhibaan ay iyagu soo doorteen oo danahooda ka shaqeeya ee aan ka shaqeysan iyaga.