Qasaarihii ka dhashey qaraxii loo dhigey boliska 20ki dicenber ayaa isasoo taraya waxaana la sheegayaa in 7 qof ka badan ay dhaawac halis ah yihiin,iyadoo 3 kale dhinteen.
Labaatanka dicenber oo aheyd maalin la maamuuso laguna xasuusto aas aaska ciidanka boliska soomaaliyeed ayaa waxaa loo dhigey labo qarax oo miinada dhulka lagu aaso ah,taas oo mar kaliya la maqley dhawaaqa qaraxyo isku xig xiga isla markaasna aan la sheegin qasaaraha ka dhashey.
Qaraxyada ayaa waxaa sheegtey xarakada dagaalyahanada Alshabaab iyadoo aan la ogeyn waxa ay ka helayaan dhimashada iyo dhaawaca dad masaakiin ah,waxeyna marar badan xitaa isticmaalaan qoriga hoobiyaha iyo qoryo lamid ah oo habeenki lala beegsado madaxtooyada iyo guriga uu degenyahey iyo agagaarkiisa.
Maahan markii ugu horeysey ee ay qaraxyo loo geliyo wadada dad iyo gaadiid ay colaadi u dhaxeyso xarakada dagaalyahanada alshabaab,waxeyse tani kusoo beegantey iyadoo loo dabaaldegayey maalin loo asteeyey boliska soomaaliya oo ay kasoo horjeedaan xarakada dagaalyahanada Alshabaab.




