“Prof.Xasan Sheikh “Waxaan Hiigsaneynaa In Doorashooyin Dowladda Danbe Ee 2016,da Ay Noqoto Mid Shacabku Soo Doorto.

0
452

Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheikh Oo Khudbad Xasaasi Ah Ka Jeediyey Munaasabada Lagu Dhaarinayey Ra’iisul Wazaaraha Cusub Ayaa Yiri.

“Waxaan Idinka Codsanayaa Inaad Loo wada mahadceliyo dhammaan shaqsiyaadkii soo dalbaday xilka Ra’iisul Wasaare oo dhammaantooda muujiyey xilkasnimo iyo waddan jaceyl. Shaqsiyaad gaaraya 70 baa soo dalbaday oo labaatan ka mid ah aan waresyiyo la yeeshay. Farxad weyn bey i gelisay sida ay shaqsiyaadkii aan wareystay ay dhammaantood u wada muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay dalka u adeegaan, Wareysiyadaas ka dib waxaan u gartay Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed inuu yahay shaqsiga aniga iyo baarlamaanka iyo hay’adaha dastuuriga kala shaqeyn kara sidii aan u xaqiijin laheyn in 2016 aan dalkan gaarsiino doorashooyin”.

“Shacabka Soomaaliyeed waxey naga sugayaan in isbedelkan uu noqdo mid u horseeda shacabka iyo dalka horumar dhan walba ah si aan u wada gaarno aragtida aan hiigsaneyno ee ah inaan helno Soomaaliya oo nabad ah kana xasilan dhanka amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda.

Ugu Dambeyn Madaxweynaha Ayaa Waxa Uu Yiri
“Waxaan hiigsaneynaa in 2016ka ay dhacaan doorashooyin oo dowladda danbe ay noqoto mid shacabku soo doorto.