Barlamaanka soomaaliya oo codsadey in la joojiyo dagaalada dalka ka socda.

0
472

Kulan ay ku yeesheen gudiyada barlamaanka xarunta golaha barlamaanka soomaaliya ayaa lagaga hadley dagaalada kasocda gobolka sh/hose.

Gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Shekh Cusmaan Jawaari ayaa la hadley warbaahinta isagoo sheegey in ay ka xunyihiin dagaalada u dhaxeeya dadka walaalaha ah kuna baaqayaan in la joojiyo shuruud la’aan isagoo cadeeyey in aan waxba la qaban karin inta ay jiraan dagaalada ahliga ah ee ka jira dalka gudihiisa.

Maahan markii ugu horeysey ee barlamaanku sheego in la joojiyo dagaalka waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo barlamaanka laga la’yahey in ay kulmaan oo ansixiyaan r/wasaaraha cusub C/weli Shekh Axmed.