Iyadoo maanta la doonayey in r/wasaaraha cusub la horgeeyo barlamaanka ayaa waxaa diidey in ay barlamaanka soo xaadiraan xubnaha xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Direed.
Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Direed qaar kamid ah ayaa hore ugu hanjabey in aaney fadhiga baarlamaanka ka qeyb geleyn ilaa dagaalka ka socda sh/hoose xal looga helayo,iyagoo ula jeeda in beelaha ay kasoo jeedaan laga gardarayahey,ayna gobolkaas si gaar ah u leeyihiin.
Baaqashada uu ka baaqdey m/weyne Xasan Sheekh in uu horgeeyo barlamaanka wasiirka koowaad ee uu soo xushey ayaa waxey dhabar jab ku tahey gud.barlamaanka oo codsadey in barlamaanka la hor keeno r/wasaaraha cusub C/weli Shekh Axmed,waxeyna barlamaanku tusayaan m/weynaha awoodooda shaqo si m/weyne Xasan Sheekh u fahmo in uu ku qasbanyahey fulinta balanqaadyadi uu galey xiligii la ridayey xukuumadii ra’iisalwasaare saacid.




