Kulan ay yeesheen M/weyne Faroole iyo musharaxiinta la tartamaya oo guuldarro ku dhamaadey.

0
484

Kulan ay yeesheen m/weynaha puntland C/raxmaan Faroole iyo toban musharax oo u tartamaya m/weynenimada puntland ayaa ku dhamaadey guul darro.

Shir jaraa’id oo uu qabtey C/raxmaan Shekh Maxamed Faroole ayuu ku sheegey in ay kulmeen musharaxiinta isla markaasna ay soo dhaweeyeen iyadoo ajenduhu ahaa in la wada magacaabo gudiga Xalinta khilaafaadka puntland maadaama doorasho la gelayo.

M/weyne Faroole ayaa mar hore gudiga ku dhawaaqey hase yeeshee musharaxiinta ayaa ka horyimid oo diidey gudi aysan si wada jir ah u magacaabin in ay noqdaan gudiga xalinta khilaafaadka puntland.

Waxaana kulanka lagu kala tagey markii Faroole uu isku dayey in uu musharaxiinta ka ansixiyo gudigii uu hore u dhisey ayna diideen,waxeyna walaac ku abuureysaa dadka puntland iyo beesha caalamka oo kor ka eegaya sida ay wax u socdaan.