Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Xildhibaanada faraha badan ee deggan Degmada Shingaani, ay mid kastaaba ka doonayaan lacag dhan($1000US) kun dollar, oo lacagta Mareykanka ah.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Tarsan, ayaa wuxuu sheegay in lacagahaan ay ugu tabarucayaan dadka Somaliyeed, ee ay duufaantu ku asiibtay Deegaano ka tirsan Gobolada Bari iyo Nugaal Iyadoona Uu Maxamuud Axmed Nuur hadalkaani ka jeediyay Munaasabad lagu qabtay Degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir.
Hadalkaani Ka Soo Baxay Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Ayaa Waxa uu marka hore sheegay in Isniinta maanta ah, ay soo gaba gabeynayaan hawlihii lacagaha looga uruurinaayay Degmooyinka Gobolka Banaadir.




