Tawer ay lahaayeen shirkada Somtel kuna yaal degmada shibis ayaa soo dhacey kaas oo diley hal qof halka 4 kale ay ku dhaawacmeen,birtan ayaa ka kordhacdey qoys kuwaas oo dhamaan ku waaberiistey dhaawac iyo dhimasho.
Shirkadda telsom oo hore loo dhihi jirey telcom ayaa hawlaheedu in mudaaba gaabis ay ku jireen,waxaaney hadda shirkadda telsom ay qaadatey magac laga yaqaan Somali land,madaxa laanta shibis ee shirkada telsom Daaci oo la hadley warsom ayaa sheegey in ay hore maamulka sare ee Telsom ku wargeliyeen in birta tawerku soo dhici rabto loona baahanyahey wiish lagu soo furfuro ayna ka gaabiyeen khasaarahan iyo dhibaatadana ay sidaas ku timid.
Markii shilku dhacey ayaa waxaa goobta usoo gurmadey maamulka gobolka iyo kan degmada shibis iyagoo ay goobta soo gaarsiiyeen amblasyo iyo gawaarida dab demiska,taas oo ka farxisey dad badan oo islahaa ma jirto gurmad laga helayo meel aan aheyn Qabiilka qofku ka dhashey.




