Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta booqday xarumaha Wasaaraddaha Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta, Gaadiidka iyo Wasaaradda Kheyraadka dalka, waxaana uu kulamo gooni gooni ah la qaatay howl wadeenada iyo dhamaan shaqaalaha ka howlgala wasaaradahaasi, isagoona ka dhegeystay waxqbadka ay Wasaaradahani shaqeynayeen Mudada Sanadka Ahayd.
Sidoo Kale Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ku ammaanay Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge is bedelka iyo horumarinta ballaaran ee uu ka sameeyey mudada sanadka aheyd ee ay Xukuumadiisa jirtay, wuxuuna xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dawladnimada warbaahinta Qaranka oo ah halka looga tabiyo shacabka waxqabadka iyo horumarka Ay sameyneyso Dowlada Soomaliya.




