Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed oo u jawaabey wasirka arimaha gudaha s/land.

0
508

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim xuseen Guuleed ayaa ka jawaabey eedeyn uu soo jeediyey wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancadde kaas oo ku aadanaa in warancade uu yiri dawlada fededaralka soomaaliya ayaa somaliland burburineysa isla markaana argagixiso ku abuureysa taas oo uu C/kariim uga jawaabey sidan.

Waa wax laga xumaado hadalka wasiirka kasoo yeerey waana waxba kama jiraan dawlada federalka soomaaliya iyadaa dooneysa in maamuladu dhismaan isla markaana nabad noqdaan dawlada dhexena kama suurawdo in ay xasiloonidaro ka abuurto meel degen oo nabad ah.

Waa markii ugu horeysey ee ay hadallo hawada isumariyaan dawlada dhexe iyo maamulka somaliland tan iyo intii ankara dalka turkiga heshiis ay ku kala saxiixdeen dawlada federalka iyo maamulka somaliland waxeyna kusoo beegmeysaa xili uu taaganyahey khilaafka hareeyey madaxda ugu sareysa dawlada dhexe ee soomaaliya.