Xildhibaano ka dhan ah xukuumada saacid oo 160 kor u dhaafaya iyo xalkoo ah barlamaanka foorara.

0
464

Xildhibaanada barlamaanka taageersan m/weyne xasan sheekh isla markaana kasoo horjeeda r/wazaare Saacid ayaa sii cagacageynaya 160 xildhibaan.

Warkan oo aan ka helney meelo xasaasi ah ayaa sheegaya in m/weynuhu hadda hayo tirada xubnaha xildhibaanada loo baahanyahey in ay xukuumada saacid ku qasbaan in ay iska tagto isla markaana xafiiska baneyso,waxeyna warar kale sheegayaan in m/weynuhu la kulmey ninkii uu ra’iizalwasaaraha u magacaabilahaa,kaas oo aan wali magaciisa la shaacin.

Maahan markii ugu horeysey ee m/weynaha iyo ra’iisalwasaaraha dalku ay isku guul guulaan tirada xildhibaanada taageersan iyo in uu uga taqalusi doono barlamaanka hortiisa uuna ku khasbi doono in uu kursiga baneeyo waxaana soo ifbaxeysa in kalsoonida beesha caalamka iyo shacabkaba ay hoos u dhacdey intii khilaafkani jirey.