R/wazaaraha soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa booqdey isbitaal xalane oo ku jiraan dadkii kusoo dhaawacmey qaraxii ka dhacey Baladweyne,isagoo mid mid u dul istaagey ayuu r/wazare saacid bukaanka u rajeeyey in alle bogsiiyo.
R/wasaare Saacid oo ay ishayaan madaxweynaha ayaa dardargeliyey hawlihiisa shaqo,tan iyo intii ay isqabteen madaxweyne xasan sheekh maxamuud,waxeyna sugeysaa gartoodu xildhibaanada barlamaanka oo kalfadhigoodu hadda socdo,lamana oga midka guushu raaci doonto,waxaana lagu soo waramayaa in xafiiska dr saacid ay ka tirsanyihiin rag u dhashey dalka mareykanka halka m/weynuhuna uu leeyahey labo la taliyeyaal u dhashey dalka ingriiska.
Maahan markii ugu horeysey ee dr saacid uu booqdo bukaan ku dhaawacmey qaraxyo waxeyse tani imaneysaa iyadoo beryahan beesha caalamku kusoo qulqulayaan soomaaliya lana kulmayaan si gooni gooni ah m/weynaha iyo r/wazaaraha.




