Gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo sheegey in Qaramada midoobey ay ka heleen gudi khuburo ah.

0
476

Gudoomiyaha barlamaanka soomaaliya prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegey in Qaramada midoobey ay usoo dirayaan gudi barlamaanka ka caawiya shuruucda iyo heshiisyada maalgashiga.

Gudoomiyaha barlamaanka Jawaari ayaa arintan ku tilmaamey mid guul ah qaramada midoobana ay uga mahadcelinayaan khuburadan loo soo direy.

Waa markii ugu horeysey ee barlamaanka soomaaliya uu deeq sidan oo kale ah ka helo qaramada midoobey,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo kalfadhiga barlamaanku uu socdo walina aaney jirin wax la taaban karo oo ay soo saareen xubnaha qabiilka ku fadhiya.