Kulankan iyo casho sharaftan loo sameeyey ergada jubooyinka uu hugaaminayo Shekh Axmed Madobe ayaa waxaa soo diyaariyey madaxtooyada soomaaliya,iyadoo lagu casuumey dhamaan ergedii jubba land ka timid.
Casho sharaftan ka dhacdey madaxtooyada ayaa waxey horudhac u tahey shirka dib u heshiisiinta jubbooyinka oo la filayo in berito lasoo xiro iyadoo aan la ogeyn dalalka kasoo qeyb galeya shirka dib u heshiisiinta jubbooyinka.
Waa markii ugu horeysey ee maamulka kmg ee jubba uu ka casheeyo madaxtooyada soomaaliya,waxeyna u egtahey in lasoo gabangabeeyey khilaafki u dhaxeyn jirey dawlada federalka ah iyo maamulka kmg ee jubba uuna hugaamiyo Shekh Axmed Maxamed Islaam.




