Dilal kala duwan oo muqdisho ka dhacey, hey’adaha amniguna wali cidna uma qaban.

0
495

Dilal kala duwan ayaa muqdisho ka dhacey kuwaasoo ka kala dhacey xaafada tawfiiq ee degmada yaaqshiid iyo degmada madiina ee gobolkan banaadir.

Qofka lagu dilley tawfiiq ayaa ahaa nabaddoon caan ah halka madiina lagu dileyna uu ahaa qof rayid ah,kuligood waxaa toogtey rag bistoolado ku hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn.

Degmooyinka gobolkan banaadir ayaa waxaa maalin walba ka dhaca dilal qorsheysan oo aan la garaneyn cidda sida tooska ah uga danbeysa,waxeyna hey’adaha amnigu mar kasta sheegaan in ay ka guuleysteen shabaab iyo waxa ay ugu yeeraan argagixisada al-qaacidda.

Maahan markii ugu horeysey ee muqdisho dad lagu dilo hase yeeshee waxey kuwani imanayaan iyadoo booliska soomaaliya uu ku hanjebey in uu magaalada ka dhawri doono hubka lagu dhexwato isla markaana la filayo in la dhiso xukuumad ka tiro badan tan xiligan jirta ee tirada yar.