Ra’iisalwasaaraha soomaaliya iyo wasiirada arrimaha debedda oo kulamo la yeeshey wufuud kala duwan.

0
525

R/wasaaraha xukuumada soomaaliya iyo waziirada arrimaha debedda Fawsiya Yusuf X/aadan ayaa kulamo la yeeshey wufuud ka kala socotey Mareykanka iyo iskandenevianka wadamada leysku yiraa qaar kamid ah.

Wasiirada arrimaha debedda oo ka hadleysey kulanka kadib ayaa sheegtey in kulanka ay la yeesheen dalalka aynu saaxiibka nahey uu guul ku dhamaadey iyo isfaham,iyadoo laga filayo dalalkaasi in ay taageeraan dawlada federalka soomaaliya.

Maahan markii ugu horeysey ee xukuumadu la kulanto wufuud caalamka ka socota waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo uu muqdisho ka socdo shirkii dib u heshiisiinta jubooyinka,maantana laga doodey sidii nabad loogu wada noolaan lahaa gobolada jubbooyinka soomaaliya.