Magaalada muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhaya fisqiga iyo qamriga iyo waxyaabo aan ku habooneyn bulsho muslim ah,mana jiraan hey’addo arrintaas u xilsaaran.
Hadii aad tagto hotello badan oo muqdisho ku yaal,waxaad xusuusan kartaa markiiba in astaamo dhaqan reer galbeed ka ifayo,iyadoon waxba laga soo qaadin shacaa’irta islaamka,hadii aad tagto xeebta liido waxaad indhaha markiiba ku dhufaneysaa gabdho qaaqaawan oo wiilal ku faraxsani garabka heystaan sidoo kale qamrigu waa shey aan cabidiisu aad u soo badaneyso.
Dhaqan burburka iyo anshaxdaradu markasta oo ay sii badato waxaa lumaya qaneecada bulshada,isla markaas hadii aysan bulshadu ka hortagin waxaa ku dhici kara cuquubo rabbaani ah,waana wax hadda muuqda hadii aan leys indha tireyn,hadaba saw ma haboona in maamulada heer gobol iyo heer qaran ay ka hortagaan wax yaabaha fawaaxishka ah ee dhacaya?.




