Shirka dib u heshiisiinta jubbooyinka muqdisho ka socda ayaa galey maalintiisii labaad waxaana soo baxaya mucaaradad ka imaneysa beelaha qaarkood.
Xildhibaanada kasoo jeeda beelaha digil iyo mirif ayaa si daran uga horyimid dib u heshiisiinta jubbooyinka waxeyna dhaleeceyn dusha uga tuureen dawlada federalka oo ay ku tilmaameen mid indha la’ oo dastuurka iyo qaanuunka dalka baalmarsan,iyagoo sheegey in shirkaasi uusan aheyn dib u heshiisiin balse uu beelaha soomaaliyeed iska horkeenayo.
Shirkan ayaa dadku aragtiyo kala duwan ka muujinayaan shirkan dib u heshiisiinta beelaha jubbooyinka loo qabtey,wuxuuna kusoo beegmayaa xili la meel mariyey xeerka maamul u sameynta gobolada dalka soomaaliya.




