Heshiis ay gaareen labadi shirkadood ee ku muransanaa ka sheqeynta airporka Aadan cadde ayaa lagu dhameeyey khilaafki u dhaxeeyey labada shirkadood ee ka la ah SKA iyo Favori.
Heshiiskan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasirka warfaafinta iyo gaadiidka boostaha iyo isgaarsiinta ayaa labada shirkadood waxey isku afgarteen in loo hugaansamo awaamiirta dawlada isla markaana la siiyo qaansheegadka ay shirkada ska ku sheeganeyso hawlihii ay airporka ka heysey.
Khilaafka labadan shirkadood oo saameeyey in ay ku kala qeybsamaan hey’adaha dawlada sida garsoorka iyo xukuumada,isla markaana khal khal geliyey dhawr goor hawlaha airporka ayaa hadda u muuqata mid lasoo afjarey heshiisna laga gaarey,shirkadda SKA ayaa sheeganeysa kharaj iyo waqti shaqadooda airporka ugu harsaneyd,halka shirkada favori oo turkish ah ay heysato heshiiska xukuumada soomaaliya oo aad ugu dhego nugul shirkadaha turkiga maadaama dawlada turkigu caawiso dawlada dhexe ee soomaaliya.




